Soomaali (Somaliska)

Ma heshaa gargaarka aad uga baahan tahay bulshada?

Wakiil qaasa waa gargaar loogu tala galay qofka qaba naafo maskaxiyan mudo dheer. Qofka qabo dhibaato weyn ee nolol maalmeedka ah isla markaana qaba baahi baahsan ee daryeel, gargaar iyo adeeg uu uga baahan yahay bulshada.

Ujeedada laga leeyahay wakiil qaaska waa inuu kaa gargaaro howlah kala duwan ee aad bulshada uga baahan tahay. Waxa dhici inaad iminkaba hesho howlahaa balse aysan kugu filneyn, ama aadan ku qanacsaneyn sida howsha laguugu qabto. Marka waxan kaa caawin karnaa in gargaarka shaqeeyo.

Wakiilka qaaska wuxuu kaa caawinayaa daraasaad ku sameynta baahidaada waxqabadka aad bulshada uga baahan tahay. Waxan meel isla dhigeynaa qorshaha sidi aan uga shaqeyn laheyn si aad u hesho adeegga aad u baahan tahay.

Gargaarka wakiilka qaaska waxaad heli kartaa waqti go´an mana aha xuquuq aad sharci ahaan leedahay. Waxa loola jeedaa iney dhici karto inaan diidno inaan howsha kuu qabano.

Wakiilka qaaska wuu ka madax banaan yahay hey´adaha dowliga ah. Xogtaada waan qarineynaa. Marka uu dhamaado xiriirkeena dokumentigaaga adigaa lagu siinayaa ama waa la baabi´inayaa. Xiriirkeenu waa lacag la´aan.

Sidee baad noola soo xiriiri kartaa?

Adigaa nala soo hadli kara ama warqad noo soo qori kara. Haddii aadse dooneyso in qof ehel ahi ku caawiyo, ama saaxiib ama shaqaale waa la ogol yahay taana.